Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Ciidamada Somaliland oo Qabtey Labo Nin oo Ajinabi ah
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:851
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:350
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:770
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:1247
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:456
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jun 09 2008
Ciidamada Somaliland oo Qabtey Labo Nin oo Ajinabi ah
Written by Ali Moallim   
Monday, 09 June 2008

Hargeysa,(insidesomalia.org)- Masuuliyiinta heer gobol iyo Xukuumadda dhexe ee Somaliland, ayaa ka hadlay laba nin oo Ajaanib ah oo ay Ciidamada Somaliland, ku qabteen deegaanka Laasmacaan, oo ku dhaw Degmada Laasqoray ee bariga Gobolka Sanaag.

Ciidamada Somaliland ayaa lix qof, oo laba ka mid ahi Ajanab yihiin, afarta kalena ay Soomaali yihiin shalay ku soo qabtay deegaanka Laasmacaan, oo ku dhaw Degmada Laasqoray ee bariga Gobolka Sanaag. Lixdan qof, oo Ciidamada Qaranku ay gacanta ku soo dhigeen ayaa afar ka mid ahi u dhasheen Soomaali, laba ka mid ahina dhalasho ahaan ay ka soo jeedaan Wadamada Yemen iyo Shiinaha. Hase ahaatee, afarta qof ee dhalasho ahaan Soomaalida ahaa waxa ay Ciidamadu kaga yimaadeen isla aaggii ay ka soo qabteen, halka ay labada kalena u soo gudbiyeen dhinaca Magaalo Madax-da Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, waxaana gacanta ku haya Ciidamada Xabsiga Magaalada Ceerigaabo oo ay ku xidhanyihiin hadda. Waxase wararka qaar sheegayaan in loo soo gudbiyay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Cabdillaahi Cali Ibraahin, ayaa ku sheegay in ay dadkani si sharci-darro ah u soo galeen xuduudka Somaliland, isla markaana ay shiidaal iyo Macdan ka baadhayeen deegaano aan loo ogolaan, sidaana ay ku soo qabteen Ciidamada Qaranka Somaliland. Hase yeeshee, waxa arrintaa gaashaanka ku dhuftay Wasiirka Amniga ee Maamul-goboleedka Puntland Cabdillaahi Siciid Samatar, oo ku dooday in ay dadkan la soo qab-qabtay ahaayeen Kaluumaysato fasax ka haystay maamulka Puntland.

Maayarka Magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, ayaa isaguna sheegay in ay nimankani ahaayeen kuwo si qayral-sharci ah u soo galay gudaha dalka Somaliland, “Nimankani si qayral-sharci ah ayay dalka u soo galeen, Ciidanka Somaliland ayaana gacanta ku dhigay iyaga oo ku sugan meel la yidhaahdo Laasmacaan, oo ka tirsan Deegaanka Laasqoray, waxaananu qabnaa anagu in ay nimankaasi yihiin niman dalka baadhanayay oo Macdan guranayay.” Ayuu yidhi Duqa Magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur. Waxaanu sheegay in ay wakhti dambe ka bixin doonaan tafaasiil faaf-faahsan oo ku saabsan sababta dadkan loo haysto balse waxaa uu carabka ku adkeeyay in ay yihiin dambiilayaal ku soo xadgudbay Ciidda Somaliland. Waxaanu intaa ku daray Maayarka Ceerigaabo, in ay baadhista labadan nin ee Ajanabka ah lagu guda jiro hadda.

Wararku waxay sheegayaan in labadan nin mid ka mid ahi u dhashay Dalka Yaman, C/kariin Xaddaad iyo Kuwan Sanwein oo u dhashay dalka China. Nimankaas waxa la sheegay inay ka soo dageen magaalada Boosaaso oo wakiilkooda oo magiciisa ay ku soo gaabiyeen Fu’aad uu degan yahay. Labadan nin ee maxaabiista ahi waxa ay ku doodeen inay deegaankaa u yimaadeen Arrimo ganacsi, gaar ahaan Kaluumaysi, hase ahaatee maamulka Gobolka Sanaag iyo saraakiisha Ciidanka Somaliland, ayaa arrintaa ku tilmaamay mid aan jirin maadaama ayay yidhaahdeen lagu qabtay xubnahan Buuro dhexdood.





Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >